Dowladda Jabuuti ayaa si lama filaan ah usoo dhoweysay go’aanka Golaha Amniga Qaramada Midoobay uu xayiraadaha uga qaadday dalka Eritrea.
War murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Jabuuti oo uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa lagu soo dhoweeyay xayiraadda Golaha ammaanka ka qaaday Eritrea, iyadoo lagu yiri “Dowladda Jabuuti waxay soo dhaweyneysaa qaraarka Qaramada Midoobay ee uu tirsigiisu yahay 244 ee xallinta khilaafaadkii u dhexeeyay dowladaha Jabuuti iyo Eritrea”.
Waxaa kaloo Qoraalkan lagu sheegay inay Jabuuti diyaar ugu tahay xal laga gaaro Gobolka iyadoo qoraalka wasiiru u ka mid ahaa: “Waxaan aqbaleynaa go’aanka lagu fududeynayo wax kasta oo lagu wada hadlayo oo ku aaddan dowladaha Eritrea iyo Jabuuti”.
Jabuuri iyo Eritrea ayaa waxaa dhex yaalla khilaaf dhinaca xuduudka ah, waxaana dagaal dhex maray maxaabiis looga qabsaday Jabuuti, iyadoo hore ay dowladda Jabuuti si weyn uga carootay markii dowladda Soomaaliya ay codsatay in xayiraadda laga qaado Eritrea.