Xildhibaan Saleebaan Daahir Bile oo ka mid ah Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay in dowladda Jabuuti mudadii dhibaatada ay heystay Shacabka Soomaaliyeed ay la soo qeyb sadeen,isla markaan ay weli diyaar u yihiin.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ka joogaan ilaa Saddex Guuto oo ka mid ah Ciidamada Jabuuti,taas oo ka mid ah gurmadka ay u fidinayaan dadka walaalahooda ah ee Soomaaliyeed,waxana uu aad u amaanay madaxda hadda ugu sareysa dowladda Federalka Soomaliya.
Dhinaca Xildhibaan Saleebaan Dahir Bile oo sii hadlayay ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada,waxana uu sheegay in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay yihiin kuwo si gooni ah isku leexiyey.
Waxa uu ka codsaday Madaxda ugu sareysa dalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyada inay khilaafkooda warbaahinta u adeegsan balse looga baahan yahay in wax walba sihoose u xaliyaan.