Dowladda Jabuuti iyo Qaramada Midoobay oo uga digay RW Kheyre in uu burburiyo dowlad Goboleedka Galmudug!

Reading Time: 2 minutes

Waxa isa soo taraya wal-walka ay muujinayaan dhamaan hay’adihii iyo wadamadii waqtiga iyo dhaqaalaha galiyay  in la heshiisiiyo Galmudug iyo Alsunna Wajameeca. Dowlada Jabuuti oo kaalmeysanayso Urur Goboleedka IGAD ayaa mudo ku dhow bil gogol nabadeed ugu dhigtay magaalada Jabuuti laba garab ee walalaha ah.

Heshiiskii  Jabuuti ka dib waxaa bishii disembar 7 deedii ee 2017 lagu qabtay magalaada  Muqadishu shir balaaran oo lagu soo gaba-gabeynayay kulamadii Jabtuuti iyo Dhuusamareed. Shirkaas waxaa marti galiyay Madaxweyne Farmaajo waxaana ka soo qeyb galay dhamaan madaxda Dowlad Goboleedyadda. Gabagabadii kulankaas ayaa qudbo dheer waxaa ka jeediayay MW Farmaajo kaas uu ku guubabiyay dhinacyada heshiyay in ay sii wadaaan da’dalaadooda.

MW Farmaajo ayaa balan qaaday in uu isaga taageeri doono taabagalinta qodobadi lagu heshiyay. Waxaa sidoo kale uu balan qaaday in uu tagi doono deegaanka Galmudug.

Hadaba waxaa wax lala yaabo ah in xukumadii hogaanka u qaban lahayd in Galmudug horumarto ay maanta lacag ku bixinayso in Galmudug la burburiyo.

Sida MOL horay idinkuugu soo sheegtay Horaantii asbucuaan ayaa shirk ay isugu yimaadeen RW Kheyre iyo qaarka mida kooxa isaga ku dhaw ay ku go’aamiyeen in ay Madaxweyne cusub u magaacabaan deegaanka Galmudug. RW Kheyer ayaa sheegay inuu u  dirayo magaalada Cadaado Maxmed Axmed Baasto oo ay isku beel ka soo jeedaan MW Axmad Ducaale Xeef. RW Kheyre ayaa lacag u dhiibay Baasto si uu kala daadiyo ama uu hormuud uga noqdo bu urinta Galmudug.

RW Kheyre ayaa qorsheynaya in maalinta Axadda ah lagu qabto magalada Cadaado doorasho beer abuur ah oo lagu dooranayo Mudane Baasto. Maalintaas aya ku began maalinta uu socoda shirka dowlad Goboleedyadda oo lagu wado in uu beri ka furmo magalaada Garowe.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!