MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya u saxiixay dowladda Itoobiya in ay saldhig milatery ka dhigato xeebaha Saylac, waxaana heshiiska lagu saxiixay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya 11/14/2018.
Waxaa heshiiska ka mid ah in ay Dowladda Soomaaliya sidoo kale ogolaatay in ciidanka Badda ee Itoobiya ay ka mid noqdaan gaashaan buurta ciidamada ilaaliya xeebaha Soomaaliya heshiiskan oo dhaqan geli doona bisha Janaayo ee sanadka 2019.
Heshiiska aya waxaa dowladda Soomaaliya u saxiixay safiirka ururka midowga Yurub. Cali Sacad Fiqi iyo taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Admiral. Xasan Nuur oo ay isku beel yihiin MW Farmaajo. Shirka oo lagu waday in uu ka qeyb galo Taliyaha Ciidanka XDS SG. Indha Qarshe aya laga soo celiyay safarka mar uu taransit ku aha magaalada Jabuuti si aanu carqalad u gelin ballantii uu soo galay MW Farmaajo. Gen. Indha Qarshe aya loo sheegay in uu dib Muqdisho ugu soo noqdo waxaana lagu wargeliyay in uu ka mid noqonaayo wafdiga MW Farmaajo ku wehlin doona safarkiisi Talyaaniga, balse taa ma dhicin oo markii uu Muqdisho yimid aya loo sheegay in aanu ka mid ahayn wafdiga MW Farmaajo.
Ujeedka loo soo celiyay Gen. Indha Qarshe aya ahayd in aanu kashifiyin heshiiska qarsoodiga ah ee dhex maray RW Abiy Axmed iyo MW Farmaajo.