Dowladda Itoobiya oo adeegsaneysa Sharif Xasan, Axmed Madoobe iyo Cabdiwali Gaas in aan laga doodin gabood falka Qalbi Dhagax

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyadda ayaa Waxaa soo adeegsatay dowladda Itoobiya si looga hortago in labada aqal in ay furaan doodo la xiriirta Qalbi Dhagax iyo go’aankii golaha Wasiiraada.

Waxaa labadii maalin ee la soo dhaafay qadka telefanka kula soo hadlayay xildhibaanada iyo Senatariska madaxda dowlad goboleedyadda: Sharif Xassan, Axmad Madoobe iyo Cabdiwali Gaas kuwaas oo cadaadis ku saarayay in ayan ka soo horjeesan mowqifka dowlwada ee ah taageriga hindisaha dowladda Itoobiya.

Waxaa nasiib xumo ah in dowladda Itoobiya in maanta hogaanka u hayso talada dalka. Xildhibaan ka soo jeeda deeganka koonfur galbeed ayaa u sheegay Muqdishu Online in Sharif Xassan habeen iyo maalin uu la soo hadlo xildhibaanda isaga oo ku cadaadinaya in ayan ka hor Imaan go’aanka dolwadda.

Sidoo kaleShariif Xassan oo aaminsan in aay adag tahay in la difaaco RW Kheyre ayaa sheegay in cadaadis uga yimid dhanka dowladda Itoobiya.

Waxaa magaalada Muqdishu ku sugan generalka dhanka sir doonka ciidanka Itoobiya, sidoo kalena waxaa magalada Garowe ku sugan wafdi saraakiil ah oo u yimid in ay cadaadiska siyaasdeed sii kordhiyaan.

[ae-fb-embed url=’https://www.facebook.com/universalsomalitv/videos/1533248253400527/’ width=’500′] [democracy id=”2″]