Dowladda Itoobiya iyo Eritereeya oo looga digay in ay ciidan dagaal oo wada jira  ah u diraan Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Sida ku cad heshiisyadda ay wada saxiixdeen sadaxda dal ee Soomaaliya , Itoobiya iyo Eritereeya ee loogu magac daray Isbaheysiga Sadax-Geesoodka ah aya waxa ku cad in ciidan ka kooban Itoobiya iyo Eritereeya  ay si wada jir ah u galaan Soomaaliya gaar ahaa nawaaxiga magaaladda  Muqadishu, iyo Goboladda ku dhaw dhaw sida Galgaduud, Mudug , Hiiraan, Shabeeladda Dhexe iyo Shabeeladda Hoose.

Ciidankan oo ujeedadoodu lagu sheegay  in ay xasilinayaan Soomaaliya isla markaana dalka ka siifeyn doonaan kooxaha argagaxisada aya ujeedadooda rasmiga ah tahay in dalka, gaar ahaan Magaladda Muqadishu xoog loogu qabto Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Dhanka kale dowlada Eritereeya aya waxaa ka jooga xuduudaha ku aadan dalka Itoobiya ciidan aad u fara badan oo  u baahan in la mashquuliyo isla markaana mushuur joogta ah loo helo maadama ay Itoobiya iyo Eritereeya wada heshiiyeen.

Iyada oo la’og yahay taariikhda madoow ee Ciidanka Itoobiya uga tageen deeganadda Koonfurta Soomaaliya markii ciidanka Itoobiya xooga ku soo galeen Soomaaliya aya waxa looga digay dalalka Itoobiya iyo Eritereeya in ay ciidan wada jira galiyaan Soomaaliya. Baarlamaanka Yurub aya la filayaa in ay dhawaan ka doodaan arintaan isla markaaa ka soo saaraan warbixin ka digeysa talaabada ay damacsan yihiin Itoobiya iyo Eritereeya.

Dhanka kale Dowladda Maraykanka ayaa looga digay in ay ayan marnaba taageerin duulaanka ciidan ee labada dal taas oo cawaaqibo xun ka dhalan doonan.

Waxa dad badan oo ka faalooda arimahaSoomaaliya sheegayaan in ay dalka ay dib uga bilaaban doonto muqaawimo lagula  dagaalayo Ciidamadaas taas oo dib u soo nooleyn doonto awooda kooxda Al Shabaab iyo kooxa kale ee ku soo qulqulaya Soomaaliya.