Dowladda Imaaraadka oo war ka soo saartay Qaraxii Shalay ka dhacay Afgooye

Reading Time: < 1 minute

Imaaraadka Carabta ayaa si kulul uga hadlay weerarkii shalay ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo lala beegsaday Injineero Turki ah oo ka qeyb qaadanayey dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye iyo ciidamo ilaalo u ahaa.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa lagu cambaareeyay qaraxaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dowlada Imaaraadka ayaa tacsi u dirtay dhammaan ehelada dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxii shalay, iyagoo sheegay inay ka xun yihiin weerarkaas oo ay ku sifeeyeen mid foolxun oo argagaxisanimo.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, 15 kale oo 6 ka mid ah ay yihiin Shaqaale Turki ahna way ku dhaawacmeen qaraxii ka dhacay degmada Afgooye, waxaana sheegatay kooxda Al-shabaab.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!