Inta badan marka xukuumad la soo dhiso, isla markaana la magacaabo hay’adaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo maamulka waxaa hubaal ah inay iska dhex waayayaan shakhsiyaad sugayey inay ka soo dhex muuqdaan, iyadoo kuwa kalana ay saluugaan meelaha lagu magacaabay.
MW Maxamed Siyaad ahn ayaa waxaa uu magacaabay dowlad waxaanu horgeyn rabay golihii Dhexe ee Xisbiga Hantiwaddagga Kacaanka Somaliyeed, laakiin intii aanu khudbadda bilaabin ayaa waxaa u yimid shakhsi aan doorkaas dowladda lagu soo darin, basle kuwa hore ku jiray. Shakhsigii waxaa uu MW ku yiri “ Madaxweyne dowladdaan waa inaad isku shaandheyn ku sameysaa waayo waxaa ku jira shakhsiyaad aan u qalmin” Isagoo quud darreynaya in haddii la isku shaandheeyo uu isaga soo galo.
Maxamed Siyaad oo weligiis kala wareejin jiray 78 wasiiir oo kaliya ayaa intuu qoslay isaga dhaqaaqay.
Hadda waxaa jira shakhsiyaad sidaaa oo kale raba in dowladda hadda jirtaa 10 bilood la isku shaandheeyo si haddii ay suuragal tahay uu soo galo. Dadka noocaas ah waa dadka dowladnimada iyo halgankii la galo u gala danahooda ee aysan ka ahayn wax ha hagaan ama nidaamka ha tooso oo isbadalka waxay u rabaan inay iyaga ka faa’iidaan oo kaliya.
Iyagoo og in wax waliba aysan hal habeen ku tooseyn ayey cillado ay hore u ogaayeen ka dhigtaan wax ay ka qeyliyaan oo hadda cusub, cilladahaas oo haddii uu isaga ahaan lahaa kan u xilsaaran xallintooda uu ku doodi lahaa in waqti la siiyo.
Dadka noocaas ah waxay sugayaan fursad ay ku soo galaan dowladda, haddiisa ay waayaan waxay bilaabaan dhaliil iyo in wax mucaaradaan waana dhaqan doqonimo oo u baahan in laga gudbo.
Mucaariddada markey dan shakhsiyadeed noqoto waxay dishaa horumarka uu nidaamka dowlaiga ah sameynayo. Sidoo kale waxayshaarka ka siibtaa qofka oo ay bulshadu u garato inuu yahay calooshiis la ciyaar saluugay waxa loo dhiibay ama aan xelligaas lagu soo darin dowladda sabab kastaa ha jirtee.
Maanta waxaa jirat shkhsiyaad buuq bilaabay oo qaba inay wax khaldan yihiin kuwaas oo keena doodo ah in ay jiraan dhibaatooyin uu u sawiro inay xallismi lahaayeen haddii uu shakhsiyaas ahaan lahaa kan hawsha loo igmaday, laakiin ma oga xataa isaga la raalligelin lahaa in ku kale laga tagi lahaa oo uu meeshaas joogi lahaa.
Waa sax in dowladda la xisaabiyo oo cagta cagta loo saaro laakiin waa inaan laga shaqeyn inay xisaabintu ay jiha burbur ah u socoto, qofkana uu u muuqdo mid dhuuni raac ah ee aan qaran iyo dal wax dan ah ka lahayn.
Dowlad kastaa waa tageysaa laakiin dalku waa joogayaa, marka naceyb loo qabo qof, koox, Xisbi iyo Xukuumad yaan dalka iyo danta guud loo dhaawicin.