Dowladda FS oo gargaar deeq ah u dirtay magalaada Laas-Caanood

Reading Time: < 1 minute

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa maanta diyaarad wada shixnad Gargaar daawo ah u dirtay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo ay ka socdaan dagaalo xoogan.

Diyaaradaan oo Garoowe ka dajin doonto gargarkaan ayaa magaladaas waxaa looga qaadayaa gawaari si ay u gaarsiyaan isbitaalada Laascaanood.

Shixnadaan daawada ah ayaa iskugu jirta qeybaha kala duwan ee daawada waxaana loogu talagalay dadka rayidka ah ee colaada lascaanood qasaaraha ka so gaartay. Gargaarkaan ayaa waxa horay Soomaaliya ugu deeqay dalal saaxib la ah dalka Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Arrimaha Bini’aadantinimo Hay’adda Mareeynta musiiboyinka Qaranka ee SODMA Cabdirashiid Maxamuud Hassan, Madax Qeybta Caafimaadka Xarunta Howlgalka Degdega ee Hey’adda SoDMA Dr. Cabdullahi Muuse Axmed iyo Masuuliyiin kale oo katirsan SODMA ayaa diyaradaan ka sagootiyey garoonka Aadan cade.