Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war kasoo saartay dib u doorashada DENI

Reading Time: < 1 minute

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay doorashada maamul goboleedka Puntland ee maanta ka dhacday Garoowe, taas oo mar kale xilka madaxweynaha dib loogu doortay madaxweyne Deni.

Ugu qoraal dowladda Soomaaliya ayaa Deni ugu hambalyeyay guusha uu ka gaaray doorashadii ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale loo doortey inuu sii hayo talada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa dowladdu ay u rajeysay madaxweynaha dib loo doortay inuu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee mar kale loo igmaday.

“Waxa ay Dowladda Soomaaliya u rajeyneysaa Madaxweynaha la doortey inuu Ilaahay u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu boggaadiyay shacabka Puntland, musharraxiintii tartantay iyo baarlamaanka, sida ay u wajahayeen doorashadii adkeyd ee maamulkaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu dambeyn ku bogaadineysaa shacabka , musharixiinta iyo baarlamanka Puntland sida hufan ee nabadda leh ee ay uga soo wada shaqeeyeen qabsoomidda doorashadan muhiimka u ah horumarinta dowlad dhiska Soomaaliya ” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka.

Dib u doorashada Deni ayaa kusoo aadeysay, ayada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka xoogan ee kala dhexeeya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni.

Qabashada doorashada ayaa meesha ka saareysa xaaladdii adkeyd ee ka jiray Puntland, taas  oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta soo dhammaatay.