Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan magaalaeda Dhuusamareeb, waxaa shalay halkaas soo gaaray ciidamo Itoobiyaan ah oo ujeedkoodu yahay iney xoojiyaan ciidamadii AMISOM ee horay halkaas u joogay.
Masuul ka tirsan ururka ASWJ aya MOL u xaqiijiyay in MW Farmaajo uu bilaabay in uu laaluusho waxgaradka Galmudug isagoo lacag ku siiyay Gen. Galaal in uu idaacadaha ka beeniyo soo galitaanka ay ciidamada Itoobiya soo galeen magaalada Dhuusamareeb.
“Waxaad dhawaan maqli doontaan Gen. Galaal oo idaacadaha ka sheegaya ma jiraan ciidamo soo galay oo Itoobiyaan ah magaalada Dhuusamareeb” Ayuu yiri sarkaal ka tirsan ASWJ oo la hadlay wariyaha MOL ee magaalada Dhuusamareeb.
Waxaa la saadaalinayaa in xasuuqii ka dhacay magaalada Baydhabo mid la mid ah uu a dhici doono magaalada Dhuusamareeb waa haddii ay dowladda u aragto musharaxeeda in laga awood badan yahay.
wareedka la helayo ayaa tilmaamaya in xarunta maamulka Galmudug ayaa haatan si weyn u maamulayaan ciidamada Itoobiya kuwaas oo ku sugan xarumaha ugu muhiimsan oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha.
Sidoo kale warbixinada laga helayo Dhuusamareeb waxey sheegayaan in dowladda Federaalka ay hab siyaasi ah u maamulayaan howlaha ka socda, waxeyna arrintaan imaaneysaa xilli ay qeylo dhaan durba bilaabeen xildhibaanada iyo musharaxiinta mucaaradka.
Cabsida ugu weyn ee ay qabaan dadka reer Dhuusamareeb, mucaaradka, Ahlu Sunna iyo qeybaha kale ee aan ku qanacsaneyn siyaasadda Dowladda waxey tahay iney dhacaan wixii ka dhacay December 2018 magaalada Baydhabo.