Waxaa soo baxaya warar sheegaya in khilaaf hor leh uu ka dhex abuurmay guddiga doorashada madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.
Qaar ka mid ah guddiga doorashada Madaxtinimada Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa qarka u saaran inay iska casilaan iyadoo kulamo isdabajoog ah ay ka socdaan magaalada Baydhabo.
Khilaafka ka dhex jira guddiga doorashada ayaa la sheegayaa in uu salka ku haya cadaadis xoog leh oo ay saareyso dowlada federalka guddiga doorashada.
Dowlada ayaa la sheegayaa in ay guddiga doorashada Koofurgalbeed cadaadis ku saareyso inaysan doorashada ka qeybgelin musharixiinta kala ah Muqtaar Roobow Abu Mansuur iyo taliyihii hore ee nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen.
Xilliga loo qabtay doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed oo ay ka harsan tahay lix maalmood ayaa u muuqata inaysan suurtogal noqon Karin maadaama weli guddiga cusub ee la ansixiyay uusan wax tallaabo ah qaadin.
Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofurgalbeed ayaa hore dib u dhac ugu yimid iyadoo lagu waday inay dhacdo 17kii bishan balse markii dib loo dhisay guddiga doorashada ayaa la qorsheeyay in 28ka bishan November ay dhacdo.