Dowladda Federaalka oo cambaareysay Afgambigii dhicisoobey ee Itoobiya (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Federaalka Soomaaliya aya cambaareysay falkii afgembi ee shalay ka dhacay dalka Itoobiya. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka warfaafinta JFS Maxamed Xayir Maareeye aya lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay cambaareyneyso isku daygii afgami ee la damacsanaa in xilka looga tuuro RW Itoobiya Abiye Axmed.

Dowladda Federaalka aya sheegtay in ay aad uga xuntahay falka shalay ka dhacay Itoobiya waxayna ugu baaqday xubnaha mucaaradka in ay si nabad ah ku raadiyaan xal haddii ay tabanayaan ama ay dhaliilsan yihiin xukuumadda RW Abiye Axmed.

Warqadda cambaareynta ah ayaa soo baxeyso xilli ay RW Kheyre iyo MW Farmaajo ay ku fashilmeen isku day afgenbi oo ay rabeen in xilka uga tuuraan isla markaana soo xiraan MW Galmudug Axmed Geelle Xaaf.

Dowladda Soomaaliya, waa dowladda kaliya ee ilaa hadda ka hadashay falkii shaqaaqo ee shalay ka dhacay Itoobiya. Waxaa dadbadani aaminsan yihiin in lagu amray in ay soo saaraan warqad ay ku canbaareynayaan falkii shalay.

Halka Hoose ka akhriso canbaareynta RW Kheyre & MW Farmaajo