Dowladda Farmajo iyo Kheyre oo Shacbigeeda u Xoog leh, Caalamkana u Nugul.

Reading Time: < 1 minute

Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay socdaan dadaallo badan oo lagu go’doominayo Somaliya, dareen ay muujiyeen Siyaasiyiinta, qoraallo dareen leh ay sameeyeen aqoonayahannada iyo saxaafadda oo soo bandhigtay maqaallo  walaac badan muujinaya, ayey dowladda galabta ka hadashay arrintaas.

Muqdisho Online ayaa waxay soo ururisay xog ku aadan dadaallada go’doominta ah ee ay dowladda Kenya waddo waxayna shacbiga u muujisay khaterta ay arrintaas leedahay, hasa yeeshee dowladdanada oo u xoog badan muwadiniinta Somaliyeed ayaa waxay soo saartay waraaq handadaad ah oo ay ugu goodiyneyso siyasiinta, aqoonyahannada Somaliyeed iyo Saxaafadda una sheegeyso inay tallaabo ka qaadi doonto ciddii isku daydaa inay arrimahaas ka hadasho.

Waxaa wax laga xumaado ah inay dowladd hadda dalka ka jirtaa ay xoog badan u leedahay muwadiniinteeda marka ay u sheegaan waxa ay ku khaldan tahay caalamkana ay u jilcan tahay xataa haddii ay wax u dhimayaan magaca iyo masiirka dalka.

MOL qortay maqaalkan  waxayna dowladda  u ifineysa hagardaamoot=yinka dalka ku soo socda, hasa yeeshee dowladda ay si xoog leh  uga carootay waxay soo saartay warqaddaan  hoose oo haanjabaadda ah, halkii ay ka ahayd in ay dowladda aabaal mariso shakhsiyaadka aadka ugu tilmaama khaldaadkeeda iyo saxaafadda u ifisa halka ay ka gaabiso.

Waxaa guul darro ah in qarnigaan 21aad oo dunida ay u guureyso dimoqraadiyad iyo horumar dhinacyo badan leh inay dowladeennada ku mashquul tahay caaburin, dumin maamullo dhisan iyo dhibaateynta shacbigeeda.

Halkaan ka akhriso waraaqdii ay soo saartay dowladda oo caro badan iyo hanjabaad ay ka muuqato.

[pdf-embedder url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2019/06/Jawaabtiidowlada.pdf”]