Dowladda Farmaajo oo taageertay xasuuqa Shiinaha ku hayo dadka Muslimiinta ah (Caddeyn)

Reading Time: 2 minutes

In ka badan toban waddan oo xubin ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa saxiixay qoraal lagu taageerayo siyaasadaha Shiinaha ee ka jira gobollada Xinjiang oo iska indho-tiray cadaadiska baahsan ee Muslimiinta gobolka, sida ay qortay hay’adda xuquuqal insaanka ee loo yaqaan Human Rights Watch.

Wadamada Muslimka ah ee saxiixay warqadda lagu amaanay dowladda Shiinaha isla markaana looga soo horjeedo warqad ay qoreen dalal u badan Yurub kuwaasoo ku eedeeyay dowladda Shiinaha xasuuqa ay ku hayaan dad Muslimka ah ku nool gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha.

Waxaa layaab noqotay kaddib markii ay dalalkaas kasoo dhex muuqatay dowladda Soomaaliya oo warqadda ay u saxiixday safiirkeed fadhiya magaalada Geneva Faadumo Insaaniya oo hadda ka hor ka taageertay xasuuqa ay dowladda Israel ku hayso ummadda Falastiin.

Warqada aay qoreen kuna bogaadiyeen dowladda Shiinaha ayaa jawaab u ahayd wadahadal wadajir ah oo ay soo saareen 22 dal oo ka tirsan Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay todobaadkii hore oo muujinaya walaac ka dhan ah xad-gudubyada xuquuqda bini-aadmiga ee ka jira gobollada Xinjiang oo ku baaqay in la helo fursad ay ku helaan kormeerayaal caalami ah.

Dalalka Taageeray xasuuqa Shiinaha uu ku hayo dadka Muslimiinta ah oo u badan dalal Afrikaan ah iyo kuwo muslimiin ah oo Shiinaha kawada mashaariic waaweyn, aya waxa ay kala yihiin. Algeria, Angola, Bahrain, Belarus, Bolivia, Burkina Faso, Burundi, Cambodia, Cameroon, Comoros, Congo, Cuba, Democratic Republic of the Congo, Egypt, Eritrea, Gabon, Kuwait, Laos, Myanmar, Nigeria, North Korea, Oman, Pakistan, Philippines, Qatar, Russia, Saudi Arabia, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria, Tajikistan, Togo, Turkmenistan, United Arab Emirates, Venezuela, and Zimbabwe.

Dalalka u badan Yurub ee ku eedeeyay Shiinaha xasuuqa dadka Muslimiinta ah aya waxaa ay warqad wadajir ah u direen Madaxweynaha Shiinaha iyagoo ka codsaday in uu dhowro xuquuqda dadka Muslimiinta ah halka, dalal Muslin ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay ku ammaanay xasuuqa ay Shiinaha ku hayaan dadkooda Muslimiinta ah.

Dalalka ka horyimid xasuuqa aya waxa ay kala yihiin – Australia, Austria, Belgium, Canada, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Iceland, Ireland, Japan, Latvia, Lithuania, Luxembourg, the Netherlands, New Zealand, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, and the UK.

Halka hoose ka akhriso dalalka ka hor yimid xasuuqa Muslimiinta