Dowladda Farmaajo ayaa isoo qabatay, waxana isoo daayay RW Itoobiya (Wareysi Qalbi Dhagax daawo)

Reading Time: < 1 minute

Cabdikarin Muuse Qalbi Dhagax oo ay dowladda Soomaaliya ka soo qabatay magaalada Gaalkacyo Bishii Ogoosto 21 sanadkii hore aya dib u helay xorriyadiisa bishii June 27, 2018. Qalbi Dhagax aya waxa cafis u fidiyay RW cusub ee Itoobiya Abiy Axmed, waxana uu sheegay in uu aha shaqsigii ugu danbeeyay oo ONLF ah oo xabsiga laga sii daayo.

Qalbi Dhagax aya waxba ka jiraan ku tilmaamay hadalada raqiiska ah ee ka soo yeeray Dowladda Soomaaliya, taaso ay sheegeen in Qalbi Dhagax codsi iyaga ka yimid lagu sii daayay. Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaludiin oo war saxaafadeed ku qabtay Villa Soomaaliya aya sheegay in codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya lagu sii daayay Qalbi Dhagax kaaso uu beeniyay Qalbi Dhagax oo wareysigiisi ugu horreeyay bixiyay.

Waxa uu si aad u weyn ugu mahad celiyay Shacabka Soomaaliyeed oo aad uga damqaday qabashadiisii wuxuuna alla uga baryay shacabka Soomaaliyeed in ay helaan nabad waarta. Waxaa intaa ku daray in safarkiisa ugu horreeya uu ku tegi doono magaalada Nayroobi kaddina uu u gudbi doona magaalada Muqdisho oo uu halkaa kula qaadan doono farxadda shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu si gaar ah ugu mahad celiyay labada gole ee Baarlamaanka kuwaaso kaalin weyn ka qaatay kaddib markii ay gaashaanka u daruureen qaraarkii ay soo saareen golaha wasiirada oo ku tilmaamay in Qalbi Dhagax yahay argagixiso kuna sifeeyay ururka ONLF in ay sidoo kale yihiin urur argagixiso.

Halkan ka dhegeyso wareeysiga