Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Senator Cismaan Abokar Dubbe ayaa magaaladda Addis Ababa kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Itoobiya Dr Legesse Tulu, waxayna ka wa
Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Dr Legesse Tulu ayaa qiray in Soomaalida xilligaan ay aad ugu horreeyaan warbaahinta cusub ee Social Media, iyadoo Itoobiya ay aad ugu xoogan tahay warbaahinta soo jireenka ah ee Mainstream-ka loo yaqaano.
Labada wasiir ayaa inta kulankooda uu socday isla soo hadal qaaday dhibaatadda iyo fitnada wararka beenka ah Fake news ku hayaan amniga iyo dowladnimada iyo sidii la isaga kaashan lahaa
Labada wasiir ayaa la sheegay in ay isla garteen in Soomaaliya iyo Itoobiya mustaqbalka dhow wada galaan heshiis warbaahinta ku saabsan.
Kulanka waxaa ku wehlinayay safiirka Itoobiya Ambassador Gen. Cabdulalahi Ahmed Jaamac Ilka-jiir iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaraddda Cabdullaahi Cabdirisaak.