(Cadeyn) Dowladda Faderaalka Oo Wasiirrada Ku Caburineysa In Aaney La Hadlin Warbaahinta

Reading Time: < 1 minute

Ra’isul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka ah Mahdi Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray ku amray wasiirrada dowladda federaalka ah in isticmaalka baraha bulshada, Idaacadaha iyo Telefishinada ay u baahan yihiin ogolaashiyo xafiiska ra’isul wasaaraha ah.

Ilo ku dhaw xafiiska ra’siul wasaaraha oo la hadlay MOL ayaa xaqiijiyay in qoraalka loo diray wasiirada balse aan lala wadaagin saxaafadda.

Waa dhaqan lagu yaqaan nidaamka kaligii taliska ah in laga mamnuuco la hadalka saxaafadda saraakiisha u shaqeeya dowladda.

Wasiirada qaar oo la hadlay MOL aya noo sheegay in ay heleen warqadda, waxaana wasiir ka gaabsaday in magaciisa aan sheegno uu noo sheegay in inta badan wasiirada ay go’aansadeen in ay hadda & wixii ka danbeeya si toos ah ula hadli doonaan saxaafadda gudaha & dibadda.

wasarad