Dowladaha USA, Britain iyo Canada oo shacabkooda uga digay safarka Itoobiya  iyo Soomaaliya

"Nations' Cooperation -British, American and Canadian Flags against cloudless blue sky"
Reading Time: < 1 minute

Qoraal ay soo saareen Dowladaha Maraykanka, Britain iyo Canada waxay ay shalay oo ay bishan Juulaay ahayd 29-ka uga digeen Muwaadiniintooda inay Socdaal ku tagaan dalka Ethiopia, oo ay ku jiraan Deegaanadda ay Soomaalida ka deggan tahay dalkaasi.

Dowladahaas ayaa horay u soo saaray qoraalo ay uga digayaan shacabkooda inay u safraan dalka Soomaaliya, qoraalkii ugu danbeeyay ee ay soo saarto Dowlada Maraykanka waxa uu soo baxi labo bilood ka hor.

Dowlada Maraykanka ayaa uga ditay  Muwaadiniinta Maraykanka khatarta ay kala kulmi karaan shilalka qalalaasaha Qabaa’ilka iyo Isgaarsiin xumida ka jirta dalkaasi.Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay kaloo sheegtay in la ballaariyey digniinta dhanka socdaalka ee dalka Ethiopia, iyadoo ay digniin la’aan dalkaasi ka dhacaan Colaad-beeleedyo abuuri karta Deganaansho La’aanta.

Dhanka kale shaqaalaha dowladda Maraykanka  eek u sugan dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu qasbay  inay codsadaan Fasax socdaal kasta oo ka baxsan Addis Abeba, waxaana looga baahan yahay inay qaataan qalabka Isgaarsiinta ee lagula socon karo dhaqdhaqaaqa qofka, iyadoo mararka qaarkoodana la qaadanayo Telefoonadda ku shaqeeya Dayax-gacmeedka.