Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Nairobi ku qaabilay Galabta Safiirka Dowladda Indonesia ee Soomaaliya Dr. Mohamed Hery Saripudin.
War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulankaa Siciid Deni iyo Danjire Dr. Mohamed Hery looga hadlay xaalada guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Puntland iyo wada shaqeynta labada dhinac.
“Kulanka waxaa looga wada hadlay Guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland, sida Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga, Arrimaha Bulshada iyo xoojinta wadashaqeynta.”