Dowladaha Britain iyo Germany oo Dowladda Kenya ka caawinaya la dagaalanka Ururka Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Dowladaha Britain iyo Germany ayaa balan qaaday in ay Dowladda Kenya ka taageerayaan la dagaalanka Argagixisadda, sida uu baahiyay the standard media.

Safiirka Germany u fadhiya Kenya Annett Gunther ayaa sheegtay in Dowlad ay ku dhawaad 200 Million oo shilinka Kenya ah ku bixineeyso Dagaalka ka socda Soomaaliya ee lagula jiro Al-shabaab, gaar ahaan tababarka la siinayo Ciidanka Kenya .

“Waxaan ku bixin doonaa 200 million oo shilin in aan ku taageerno ka hortagga waxyaabaha qarxa ee Soomaaliya iyo in Ciidanka Kenya ay si hagaagsan Naftooda u badbaadiyaan” ayay tiri Annett Gunther .

Wakiilka sare ee Britain u fadhiya Kenya ayaa sheegay in ay ingiriisku taareerayo Ciidanka Kenya ee Jooga Soomaaliya si looga guuleysto Al-shabaab oo Dagaalkoodu uu gaaray gobollo ka mid ah Kenya.

Dowladda Kenya ayaa Al-shabaab kula dagaalameysa gudaha Soomaaliya, Ciidankeeduna waxay ka mid yihiin Howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya.

Wixii ka Dambeeyay markii Ciidanka Kenya ay Soomaaliya soo galeen 2011kii Al-shabaab waxay kordhiyeen beegsiga Ciidanka Kenya iyo shacabka u badan Dadka aan muslimiinta ahayn.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!