Afhayeen u hadlay ciidamada Ugandha Brigadier Richard Karemire ayaa sheegay in aysan jirin warar sheegaya in Al-Shabaab ay qorsheynayaan in ay Weeraro ka geystaan Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.
Waxaa uu sheegay in Caasimadda Uganda ay tahay Nabad, islamarkaana Al-Shabaab aysan haweysan Karin in ay kusoo qaadaan Weeraro.
Waxaa uu xusay in Al-Shabaab ay doonayaan in ay qalqalgeliyaan Ammaanka Shacabka kunool Kampala, islamarkaana ciidamada Booliska ay marwalba la socdaan qorshayeyaasha Al-Shabaab ee ku wajahan Uganda.
“Markaan sii wadno inaan ku baroorto geerida afarteenna askari ee AMISOM, shacabka waxaan u xaqiijinaynaa in aysan jirin wax weerar ah oo lagu qaadi karo Kampala” ayuu yiri Brigadier Richard Karemire.
Karimire ayaa sidoo kale meesha ka saaray in Al-Shabaab 50 askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda ay ku dileen Weerarkii ka dhacay degaanka Buulomareer.
Waxaa uu ugu dambeyntii xusay in ay sii waddi doonaan ciidamada dowladda Uganda howlgalka ay ka waddaan Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa dhawaan Weerar culus ku qaaday Saldhig ay lahaayeen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, kuwaa soo ku sugnaa degaanka Buulo mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.