
Dowlada Turkiga ayaa soo badbaadisay 135 tahriibayaal ah oo doonayay in ay badda uga sii gudbaan Giriiga ka dibna Yurub inteeda kale, taasoo ku qasabtay in ay dib ugu laabtaan dhul badeedka Turkiga ee badda Aegean.
Taliska Ilaalada Xeebaha ee Turkiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay heleen warbixin ku saabsan tahriibayaal ku jiray dooni ay saarnaayeen oo ka baxday xeebaha magaalooyinka “Karahburnu” iyo “Dikli” ee gobolka Izmir ee galbeedka wadankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dadka la soo badbaadiyay ay ku jiraan muwaadiniin Soomaali ah inkastaa oo aan la sheegin tiradooda.