Dowlada Turkiga oo cambaareysay weerarkii alshabaab ku qaaday Hotel Afrik

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Turkiga ayaa War kasoo saartay weerarkii shalay rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Afrik ee ku yaalla wadada aada dhinaca Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu Cambaareeyay weerarkii hotel Afrik oo geystay khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Saraakiil Ciidan oo ku sugnaa halkaas.

Turkiga ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin weerarka ka dhacay Muqdisho, iyagoona tacsi u diray dhammaan dadkii ku geeriyooday iyo dowlada Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena dadkii dhaawacmay u rajeysay Caafimaad deg deg ah.

“Waxaan si xoog leh u canbaareyneyaa weerarka bahalnimada anagoo tacsi u direena dadka walaalaheena iyo dowladda Soomaaliya. Waxaan ilaah ugu baryeenaa naxariis dadka ku nafwaayay weerarka sidoo kale waxaan u rajeyneynaa caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah kuwa dhaawacamay ayaa lagu yiri Qoraalka.

Ugu dambeyn Qoraalkii ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu caddeeyay in Turkiga uu sii wadi doono ku garab istaaga shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda la dagaalanka wax loogu yeero Argagaxisada.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii Hotel Afri, waxaana weerarka uu bilowday gaari laga soo buuxiya waxyaabaha qarx oo lagu dhuftay Albaabka dambe ee Hotelka, waxaana halkaas ku dhintay 9 qof oo isugu jiray dad iyo Saraakiil Ciidan.