Dowlada Suudaan oo Soomaaliya ku celisay ciidankii Fahad Yasin u dirsaday dalkaas (Xog Cadeymo)

Reading Time: 2 minutes

Sida Muqadishu Online ay dhowr bilood ka hor idinkuugu soo tabisay Fahad Yasin ayaa waxaa uu magalaada Muqdisho si qarsoodi ah uga  kaxeeyay dhalinyaro badan oo qaarkood jamacado dhiganayay. Dhalinyaradaas oo aan la ogaynin tiradooda runta ah ayaa waxa la geeyay xarumo ay leeyihiin sirdoonka dalka Suudaan kuna dalka Suudaan si tababaro gaar ah loo soo siiyo. Caruurtaan/dhalintaan oo aan la ogaysiin waalidiintooda meesha loo kaxeeyay iyo aqoonta la soo baraayo ayaa waxa looga qaaday magaalada Muqadishu diyaarado gaar loo soo kireeyay.

Qaadida dhalinyaradda u badan caruurta ayaa timid ka dib markii sanadkii hore uu Magaaladda Muqadisho si qarsoodi ah ku yimid Agaasimahii hore ee Hay’adda Sirdoonka and Amniga ee dalka Suudaan (NISS) Salax Cabdallah oo loo yaqaan Gosh.

Hadaba kacdoonkii ka dhacay dalka Suudaan  horaantii sanadkaan ee xukunka looga tuuray kaliya-taliyahii  Cumar Al Bashiir  ayaa waxa uu keenay in la xiro dhamaan saraakiishii sirdoonka dalka Suudaan oo uu ku jiro Salax Cabdallah (Gosh).

Labo asbuuc ka hor ayaa hogaanka cusub ee la weegay talada dalka Suudaan ay go’aansadeen in ay dib Soomaaliya ugu soo celiyaan dhalintii/caruurtii uu Fahad u geeysatay Dalka Suudaan in loogu soo tababaro. Dufcadii u horeeysay dhalintaas  ayaa horaantii asbuucii lagu soo celiyay magaalada Muqadishu halka inta hartayna asbuucaan iyo  horaanta bisha soo socoto  lagu soo celin doono dalka Soomaaliya.

Salax Cabdallah Gosh ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu yahay qofka aan naxariis lahaynin dad badan oo Suudaanise ahna dilay. Waxa hadda  isaga  iyo Cumar Al Bashir lagu xiray xabsi ku yaalo dalka Suudaan isaga oo sugaya maxkamad.

Waxaa la rumeysaysan yahay in Fahad  Yasin oo ka tarjumaya rabitaanka Madaxweyne Farmaajo uu caruurtaa ka soo jeedo beelo gaar ah loogu qaaday dalka Suudaan si tababaro gaar ah loo soo siiyo. Qarashka ku baxay tababarkaas oo aan la sheegin inta uu la eg yahay ayaa waxa bixisay dalka Qatar.

Hadii dalku lahaan lahaa baarlamaan u adeega danaha dalka, waxa uu qaban lahaa shir gaar ah oo looga hadlayo caruurta/dhalinta lagu soo celiyay dalka, waxaana su’aaalo la weydiin lahaa Fahad Yasin in uu sheego sababta loo qaaday iyo cida amartay in la qaado dhalintaas/caruurtaas.

Fahad Yasin waa in uu u sheegaa shacabka Soomaaliya gaar ahaan Gudiga Amniga ee Baalamaanka tirada caruurta Soomaaliyeed ay horay ugu wareejiyeen sirdoonka Suudan iyo hadii ay jiraan dhalinkale oo loo qaaday dalal kale.

Laakiin Nasiib xumo dalka kama jiro baarlamaan la xisaabtamaya xukumada iyo xukuumad la socoto howlaha uu wado Fahad Yaasin. Dhanka kale waxa iyada wax lala yaabo ah in  Wasiir Aminga Ducaale uu yahay mid gabay mas’uuliyadisii islamarkaana u jooga wasaaradda magac u yaal.

MW Farmaajo ayaa looga fadhiyaa in uu sheego tirada caruurta ee uu ku wareejiyay Omar AL Bashiir  inta uu xukunka hayay. Fahad Yasin ayaa ay ka go’an tahay in uu sameeysto hay’ad isaga u adeegto danaihiisa  isla markaana lagu gumaado qabiilo iyo siyaasiyiin.