Dowlada Soomaaliya oo sheegatay in ay dhaawacday Cali Dheere

Dowlada Soomaaliya  ayaa sheegatay in  Maxamuud Raaage Cali dheere oo ahaa afhayeenka Al Shabaab uu ku dhaawacmay howlgal dhawaan ka dhacay Degaanka Shaam oo hoostaga Degmada Aawdheele, waxaana howlgalkan fuliyay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya.

Warbaahinta ku hadashay afka Ciidamada xoogga dalka ee SNA Radio ayaa sheegtay Cali Dheere lagu dhaawacay howlgal ka dhacay 11-kii bishan Agosto deegaanka Shaam.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr mar sheegatay in ay dishay Cali Dhere laakiin markii danbe uu ka soo muuqaday aaladaha la iska arko. Ma jiro ilo ka baxasan warbaahinyta dowlada oo xaqiijisa hadlka ka sooyeeray Raadiyaha ciidanka.

Sidoo kale warkan ay shaacisay Warbaahinta  dwolada ayaa lagu sheegay in howlgalkii ay qaadeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab ay ku dileen illaa 15 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

mm
Safia Ali Yasin

Muqdisho Online main headquarter is in Mogadishu, Somalia, but the office remains anonymous, because of constant threats against its staff.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here