Dowlada Soomaaliya oo mamnuucday Hay’adda Sahan Research in ay dalka ka howl-gasho

Reading Time: < 1 minute

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka mamnuucday Hay’ad caan ah oo qaabilsan dhinaca baaritaanka iyo talo bixinta lagu magacaabo Sahan Research.

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta 17 Disembar 2018 Hay’adda Sahan Research laga joojiyey, lana mamnuucay dhammaan wixii shaqo ahaa ee ay ka waday wadanka, sababo la xiriira Amniga Qaranka, Xasiloonida iyo midnimada dalka.

Hay’adda Sahan Research waxaa madax ka ah ninka lagu magacaabo Matt Byrden oo hore uga tirsanaa Guddigii cunaqabateynta UN Monitoring Group ee Soomaaliya.