Dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay waxaa degmooyinka Gobolka Banaadir ka taagnaa qatar amni waxaa ka dhacay,falal aad looga naxo kuwaasi oo ayna jirin ilaa hada dad loosoo qabtay oo warbaahinta la horkeenay.
Khaalid Cabdi Ibraahim oo ka mid ah Falanqeeyayaasha dhinaca amniga oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in sababta isla shaqeeyn la’aanta ay ugu weeyn tahay in aan laga jawaabin qatarta amni ee Shacabku usoo gudbiyaan Hay’adaha Amaanka Qaabilsan.
Waxaa uu xusay in xariirkii Bulshada iyo Dowlada la Dhumiyay oo meesha laga saaray taasna ay sababtay Dowlada Soomaaliya Gaar ahaan R/wasaaraha Iyo Wasiirkiisa Amniga.
”Shacabku hala shaqeeyaan Ciidamada ayeey leeyihiin hadii la waco ma qabanayaan telfoonadooda,mar lama rabo amni ee waxaa la rabaa in mashruuca daldalo lasoo wato’sidaasi waxaa yiri Khaalid.
Hadalkaan ayaa waxaa uu imaanayaa Xili dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay aynu idiinsoo gudbineeynay in Xaalada amni ay gacanta kasii baxeeyso taasna ay sababtay in Boqolaal shacab ah si bareer ah loo dilo