Dowlada Soomaaliya oo lagu Eedeeyay in ay Dhaqaalle ku bixineeyso Amni darada Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo ay bateen weerarada iyo Dilalka qorsheeysan oo laga fulinaayo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa Aqoon-yahan Khaalid cabdi oo la hadlay Warbaahinta waxaaa uu sheegay in ay Masuul ka tahay Dowladu Falalka amni daro ee muqdisho ka dhacaya.

Khaalid Cabdi waxaa uu sheegay in Madaxda Amniga gaar ahaan kuwa Qaabilsan amniga gobolka banaadir in ay habeen iyo leeyl ku mashquulsan yihiin sidii dhaqaalle loogu bixin lahaa Amni xumida Caasimadda Soomaaliya

”In Muqdisho aysan degin oo dagaal iyo colaad ka taagnaato waxaa sabab u ah Saraakiisha amniga oo uu u weyn yahay Wasiirka Amniga Ducaalle”ayuu Yiri Aqoon-yahan Khaalid Cabdi.

Sababta dhaqaallaha Dowladdu ugu bixineeyso ayuu ku sheegay in ay tahay Ciidamada Xasilanta ee Wadooyinka la is taajiyay kuwaasi oo uu sheegay in aysan waxba dhaamin al-shabaab oo ay fududeeyaan Qaraxyadda iyo Dilalka.

”Waxaad arkeeysaa Goob Ciidamo joogaan oo dad lagu dilaayo Bar koontarool oo qarax lagaso gudbinaayo  taas su’aal kale uma baahno”ayuu mar kale yiri Khaalid.

Hadalka Aqoon-yahan Khaalid ayaa waxaa uu imaanayaa xili warbixin VOA-du diyaarisay lagu cadeeyay in Dilalka ay geeystaan Shaqsiyaadka kasoo baxa Al-shabaab ee lagu biiriyo Ciidamadda Nabad Sugida