Dowlada Soomaaliya oo ku Fashilantay Qancin Shacabka Soomaaliyeed ka dib Balanqaadyo Been ah oo ay!!

Reading Time: 2 minutes

‘’Dowladda haatan jirta ayaa dhowr mar la kulantay eedeymo xoogan taasi oo ku aadan qaladaadka ay ku kaceyso taasi oo horseed u noqon karta bilowga dagaal sokeeye’’ waxaa sidaas ka dhawaajisay falis daahir subkane oo waxka qorta arrimaha soomaaliya.

Falis ayaa waxa ay sidoo kale sheegtay in ka bixida balamaha ay dowladda ay horay uga qaaday shacabka soomaaliyeed ay aas’aas ay u yihiin eedeeymaha ay xilligan la kulmeyso dowladda.

Qof kamid shacabka ku nool muqdisho oo la haday midka mid idaacadaha muqdisho balse codsaday inaan la shaacin magaciisa sababo amni ayaa sheegay in dowladda uu horkacayo farmaajo iney tahay midii ugu xumeeyd ee abdi dalka soomarta maadaama ay wax horumar ah aysan sameeynin.

‘’muwaadinka soomaaliyeed ma heysto xorriyad uu ku hadlo kuna tilmaamo waxyabaha ka qaldan dowladda iyo sidii loo sixi lahaa oo hadii aad hadasho waxa aad la kulmaysaa jirdil, xabsi, iyo in lagu dhaho wuxuu yahay qaran dumis taas ayaana ah sababta dowladda horumar u sameeyn karin maadama aysan ogeeyn waxyaabaha ay ku kaceyso iney yihiin waxyaabihii saxnaa ama qaldanaa’’ ayuu yiri qofkan u waramay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ah ee ka howlgala muqdisho

Dowladda soomaaliya ayaa waxa ay horay u balan qaaday iney wada tashiyo iyo wada shaqeyn ay la yeelan doonto shacabka ku nool guud ahaan dalka maxaa ka hirgalay arrintaasi.

Falanqeeye siyaasadeed muqtaar maxamed cali ayaa tilmaamay in dowladda aysan 1 qodob xitaa aysan ka fulinin balahamihii ayka qaaday shacabka soomaaliyeed isagoo taasina ku tilmaamay nasiib daro weeyn.

‘’tani waa musiibo qaran oo ay geeysteen kooxdan isku baheysatay iney dilaan magacii iyo maqaamkii ay dowladda soomaaliya caalamka ay ka joogtay waxay iyagu ka dhamaan la yihiim musuq maasuq qabyaalad iyo ka fikirida danaha dalal shisheeye oo soomaaliya ay ka leeyahiin waxaan arkeynaa dowladdi ugu xumeeyd ee abid soomarta dalka taasoo ah mida hada jirta madaxweyne is casil intaan ka badan shacabka beenta ka daay waxaa xaqiiqo ah iney markaan shacabka looga baahanyahay iney sameeyan kacdoon qaran kaasi oo lagu badbaadinayo jiritaanka soomaaliya’’ ayuu yiri falanqeeye siyaasdeed muqtaar maxamed cali

Sikastaba ha ahaatee eedeymaahan kala duwan ee loosoo jeedinayo dowladda federaalka soomaaliya ayaa kusoo beegmeysa xilli fashil iyo fadeexed ay dhexda kaga jirto dowladda haatan jirta.