Dowlada Soomaaliya oo kasoo Horjeesatay  Maalgashiga Magaalada Muqdisho  ka dib Shaqo Joojintii Bilicsan Iyo Garyare oo Saamigiisa kala Baxay!!

Reading Time: < 1 minute

Dhawaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu shaqo joojin ku sameeyay Shirkada sameeyso  Boorarka Iyo Darjiimanka Ee Lagu Magacaabo Bilicsan,taasi oo inta hagaajisay Dariiqyada waa weeyn Ee Magaalada.

C/wali Garyare oo ka mid ah Milkiilayaasha Shirkadaasi oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in sababta arinkaan dhalisay ay tahay Mucaaradnimadiisa.

MUQDISHO ONLINE ayaa horay waxaa ay idinkugu soo baahisay Maqaalo kala duwan oo aan uga Hadalnay Dhacdooyinka yaabka leh  ee ka socda gobolka Banaadir iyo Falalka Gadoob-fal u ek.

Garyare ayaa waxaa uu sheegay in Gudoomiyaha  Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow uu lasoo hadlay una sheegay in uu Dowlada Adeeco hadii uu rabo in Shirkada Bilicsan Muqdisho kasii shaqeeyso.

C/wali Garyare ayaa waxaa uu yiri”Waan ka baxay Saamileyda Shirkada Bilicsan Sababta oo ah Mucaaradnimadeyda ayaa shaqada looga joojiyay”