Dowlada Soomaaliya oo kaalin Wanaagsan ka qaadaneeyso Hurinta Khilaafka Madaxda Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Dhowrkii Todobaad ee lasoo dhaafay waxaa ay warbaahintu Tebineeysa warar la xariira khilaaf cusub oo ka dhex aloolsan Madaxda sare Ee Maamulka Galmudug Sida,Madaxweynaha.Madaxweyne Ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi.

Shirkii Kismaayo dhawaan lagusoo Afmeeray Ee Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyadda ayaa lagu Go’aamiyay in xariirka loogu jaro Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya,taas ayaana Sababta ugu weeyn noqotay in Khilaaf Cusub oo Maamul Goboleedyada ah in uu Bilaawdo.

Muqdisho Online  Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay xariiro kala duwan la sameeysay Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kuwaasi oo hada la hor-dhigay Mooshin ka ah Cali Gacal Casir oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi.

Xildhibaano ayaa u sheegay Warbaahinta  in Mooshin la dardar gelinaayo islamarkaana ay dhawaan filayaan in Xilalka laga xayuubiyo Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa la aaminsan yahay in uu yadda Mooshinka kala hormaray Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir,asigoo difaac sameeysanaayo.

Sidoo kale waxaa jira siyaasiin qaba in dowlada dhexe ee dalka in ay abuureeyso khilaaf cusub oo maamul Goboleedyadda kasoo cusboonaado,sida uu xitaa sheegay Madaxweyne Xaaf xili uu ka hadlaayay shir kismaayo lagu gabagabeeyay.

Hogaamiyayaasha Mamaul Goboleedyadda ayaana hada saaxiib la aheeyn Dowladda dhexe waxaana ay si cad u sheegeen in ay xariirka u jareen iyagoo wadajira.