Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay dil Muqdisho loogu geeystay mid ka mid ah shaqaallaha

Reading Time: < 1 minute

Rag hubeysan ayaa saakay waaberigii waxa ay Xaafada Haanta-dheer ee degmada deeyniile e Gobolkan Banaadir ku dileen Nin ka tirsanaa Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya.

Dilka Ninkaas ayaa waxaa xaqiijiyay Wasiirka Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan,isaga oo uga tacsiyadeeyay qaraabadii iyo eheladii uu ka geeriyooday.

Raggii ka dambeeyay dilkaas ayaa Goobta ka baxsaday,waxaana lagu wadaa in Saacadaha soo socdo lagu aaso Gudaha Magalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.