Wasiirka Arrimaha Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Khudbad ka jeedinaayay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in uu sii socdo howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya.
Wasiirka waxaa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay yihiin geesiyeyaal Naftooda u huray Soomaaliya, Qaramada Midoobey uu ka dalbaday in la sii xoojiyo taageerada la siiyo si ay u sii waddaan nabadeynta Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in dhismaha Ciidan Qaran oo ay yeelato Soomaaliya in ay qaadan doonto Waqti laakiin inta ka horreysa loo baahan yahay in la sii xoojiyo howlgalka Ciidamada AMISOM ee ka socda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay dalalka Caalamka in Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya.
Cawad ayaa xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga taageero la dagaalanka Kooxaha Argagixisadda ah oo dhibaato badan ku haya sida uu sheegay.
Axmed Ciise Cawad ayaa ugu dambeyntii sheegay in guulo waa weyn ay gaartay dowladda Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay,kuwaasoo u horseeday in ay kasoo muuqato saaxada Caalamka.