Waxaa dekada magaalada Berbera ku soo xirtay markab siday shidaal. Markabkaan ayaa hada taagan dekeda Berbera isaga oo sita calanka Jamhuuriyada Togo. Markabkaan ayaa magaciisu yahay CHIRON 7 (IMO 9127291,MMSI 671294100).
Shidaalka uu markabkaan wado ayaa ahaa mid ku yimid qiimo jaban oo wax weyn ka badali kara qiimaha saraha u kacay ee lagula iibsado shidaalka la keeno Somaliland.
Dowlada Somaliland ayaa sheegtay inay shidaalkaan dib u celin doonto maadaama uu si sharci daro ah ku yimid Somaliland.
Qaar kamida mucaaradka Soomaaliland ayaa ka digay in aan shidaalka dib loo celiyo. Waxaanu ka digaynaa in la celiyo shidaalkaas iyada oo loo danaynayo shirkado ay madaxtooyadu leedahay oo caadeystay in dhiigmiirtaan dadka oo ku qaaliyeeyaan shidaalka.
Xog-hayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska ee Xisbiga Waddani Xamse Khayre ayaa ka digay in xukuumada Somaliland ay dib uceliso markab shidaal sida oo dekada Berbera hada taagan.