Xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa dowlada Kenya aya shir ganacsi iyo mid maalgashiga ee Somaliland ku qabanaysa maalinta Jimcaha magaalada Neyroobi ee xarunta dalka Kenya. Dowladda Kenya aya tartan ganacsi kula jirta dowlada Itoobiya waxa ay doonaysa in ay saro u qaado xiriirka gaarka ah oo ay la leedahay dowlada Somalind.
Wargeyska East African Business Week , oo laga leeyahay dalka Uganda, ayaa shaaciyey qorshe ay xukuumadda Somaliland ku qabanqaabinayso shirweyne ku saabsan maalgashiga Somaliland oo lagu qaban doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya mudane Baashe Cawil Cumar, ayaa caddeeyey inay doonayaan in baddeecadaha Kenya soo saarto loo dhoofiyo Somaliland, si Somalilandna xoolaha nool u dhoofiso Kenya. “Iskaashiga Somaliland iyo Kenya wuxuu kor u qaadayaa ganacsiga labada dal.Waxa kaloo aanu ka wada shaqeyn doonaa horumarinta ammaanka mandaqada, waxaanu xoojinayaa iskaashayagu boqolaal dhallinyaro oo raadinaya fursado maalgashi iyo waxbarasho,”ayuu yidhi Baashe Cawil.