Wazaaradda arrimaha dibada boqortooyada Saudi Arabia ayaa si weyn u cambaareysay labadii qarax ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho islamarkaana sababay dhimashada iyo dhaawaca tiro dad ah.
Saraakiisha wazaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada Saudi Arabia ayaa sidoo kale u tacsiyeeyey qoysaska dadka dhibanayaasha ah, dowladda iyo dadka soomaaliyeed.
Sidoo kale boqortooyada Saudi Arabia ayaa soo kabasho iyo caafimaad deg deg ah u rajeysay dhamaan dadkii ay dhaawacyada kasoo gaareen qaraxyadii labada ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka theatre ka qaranka.
Warkan kasoo baxay wazaaradda arrimaha dibadda ee Saudi arabia ayaa sidoo kale lagu sheegay in boqortooyadu ay Somalia siineyso taageero millitary si looga hor tago rabshadaha iyo weerarada argagaxiso ee ka dhanka ah dowladda federalka Somalia.