Waxa muuqata in dowlada Sacuudiga Careebiya ay albaabada ka xiratay MW Farmaajo iyo Dowladiisa isla markana ay xiriir cusub la furatay dowladda Somaliland. Markii ugu horeeysay taariikhda Somaliya ayaa waxaa dalka Sacuudi Careebiya bilaabay in uu wadaxaajood iyo isdhaafsi dublamaasi la yeesho Dowladda Somaliland iyo Madaxdeeda. Bishii Ramadaan ayaa ay ahayd markii Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane Saylici si heer sare loogu soo dhaweeyay dalka Sacuudiga isla markaana fursad loo siiyay in uu la kulmo qaar ka mida madaxda dalka Sacuudiga.
Dabayaqada asbcuucii la soo dhaafay waxa magalaada Hargeysa ku yimid booqasho wafdi uu hogaaminiyo taliye ku xigeenka ciidanka Nabadsugida ee dalka Sacuudiga Mudane Sareeye Guuto Ahmad Hassan Mohammad Asiri. Taliyaha ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda dowladda Somaliland oo uu ku jiro Madaxweyne Muuse Biixi. Kulamadaas ayaa looga hadlayay arimo la xiriira amniga iyo sidii dowlada Sacuudiga uga caawin lahayd dowladda Somaliland dhanka dhismaha ciidanka iyo saldhiga Barbara.
Dowladda Sacuudiga ayaa marar badan isku dayday in ay xiriir wanagasan la yeelato dowladda MW Farmaajo laakiin nasiib-xumo MW Farmaajo ayaa balamihii uu qaaday uga baxay Dowladda Sacuudiga. Waxan shaki jirin in Dowladda Sacuudiga u aragto MW Farmaajo mid cadow ku ah xiiirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada umadood ee Somaliya iyo Sacuudiga.
Dabayaqada sanadkaan ayaa la rajaynayaa in Madaxweyne Muse Biixi safar casuumad ah ku tago dalka Sacuudiga. Hadii aan dowladda Somaliya la imaanin caqli ka duwan kan MW Farmaajo waxan shaki ku jirin in dowladda Somaliland si buuxda loogu soo dhaweyn doono ka mid noqoshada isbahaysiga Sacuudiga, Imaaraadka, Itoobiya, Eritereeya iyo Jabuuti oo la filayo in ay dhawaan si buuxsa ugu biirto.