Dowlada Qatar oo markii ugu horaysay  albaabada ka soo xiratay Fahad Yasin (Warbixin Buuxda)

Reading Time: 2 minutes

Fahad Yasin ayaa labatankii sano ee la soo dhaafay waxa uu dalaal u ahaa dowlada Qatar  isaga oo si gaar ah ula shaqeeynaayay Hay’adda Sirdoonka ee  dalka Qatar.  Fahad ayaa ku faano xirirka gaarka ah oo uu la leeyahay Sirdoonka Qatar iyo in uu lacago ka soo qaado Qatar taas oo loo isticmaalayay sare u qaadida  Saameyn  ay Qatar ku yeelan karto arimaha siyaasada , amniga iyo dhaqaalaha  dalka Soomaaliya.

Warsidaha MOL ayaa dublamaasiyiin reer Galbeed ah iyo kuwa ka tirsan dalka Qatar u xaqiijiyeen in dowlada Qatar go’aan ka qaadatay xiriirka gaarka ah oo ay sidoonka Qatar la lahayd Fahad Yasin. Qatar ayaa waxa la soo darsay culays siyaasdeed oo kaga imaanaya wadamada daneeya arimaha Soomaaliya iyo qaar ka mida mas’uuliyiinta dalka Soomaaliya.

Dowlada Qatar ayaa  waxa uu u muuqata in uu sii luminayo kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed oo si toos ah iyo si dadbanba uga horyimid siyaasadeeda ku qotonta qof jecleeysiga. Dhanka kale Fahad Yasin ayaa magaca dowlada Qatar u isticmaalay in uu ku hormariyo danahiisa gaarka ah taas ayaan keentay in Shacabka Soomaaliyeed u arkaan Dowlada Qatar in ay cadaw  ku tahay jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed.

Iyada oo xiliga u haray dowlada Farmaajo ay ka yar tahay 16 bilood ayaa waxaa dowlada Qatar u muuqata in ayan marnaba suuragal ahaynin in Farmaajo iyo kooxdiisa ku soo noqdaan awooda dalka. Dowlada Qatar ayaa sidoo kale waxa la soo daristay cabsi ah in ay macquul tahay in xunka dalka Soomaaliya ay qabtaan  kooxaha uu Fahad Yasin  galiyay cadaawada dalka Qatar.  Taasna waxa ay keeni doontaa in Shacabka iyo dowlada imaan doonta ay la saftaan wadamada Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Fahad Yasin ayaa waxa uu si toos ah ugu xirnaa ShiikhMaxammed bin Axmed al Masnadoo ah lataliyaha Arimaha Amniga ee Amiirka Qatar.  Lataliyaha ayaa waxa uu asbuucii hore si toos ah ugu sheegay diblomaasiyiin Maraynkan ah in uu jaray xiriirka uu shaqsiyan la lahaa Fahad Yaasin.

Maadaama xiriirka Fahad uu ku koobnaa Shiikh Maxammed bin Axmed al Masnad, waxa mar qura isa soo xiray albaabadii uu Fahad Yasin ka gali jiray hogaanka dalka Qatar. Dhanka kale Dowlada Qatar ayaa waxa ay joojisay dhaqaalihii ay boorsooyinka ugu keeni jirtay Fahad Yasin taasna waxa laga dareemayaa Xarunta Villa Soomaaliya oo bixin la’a mushaarka shaqaalaha. Sidoo kale Shaqaalaha Hay’ada NISA ayaa mushaar la’aan ah mudo dhowr bilood ah rajana ma jirto in ay lacag heli doonaan.

Dhanka kale dowlad Qatar ayaa waxa ay bilaawday in ay wadahadal  la furto qaar ka mida madaxda dowlad goboleedyada. Magaalada Nairobi waxaa ka dhacay shirar qarsoodi ah oo wafuud ka socota dowlada Qatar  ay kula kulmeen qaar ka mida madaxda dowlad Goboleedyada ama dad wakiil ka ah Dowlad Goboleedyada.

Waxaa sidoo kale lagu qabtay magaalada Nairobi shirar dhexmaray siyaasiyiinta Soomaalida ee mucaraadka ku ah dowlada Farmaajo iyo safiirka Qatar u fadhiya dalka Kenya. Shirarakaas ayaana loogu sheegay siyaasiyiinta in  dowlada Qatar ay joojisay xiriirka ay la lahayd Fahad Yasin ama kooxaha isaga ku xiran laakiin ay diyaar u tahay inay  la xaaajooto dadka Soomaalida oo dhan, gaar ahana mucaaradka ka doo horjeeda dowlada Farmaajo.

Dowlada Maraykanka ayaa Farmaajo ku dhiirigalisay in Fahad Yasin laga soo wareejiyo Hay’ada Sirdonka isala mrkaana la geeyo meelo kale oo uusan dhaawac u gaysan karin da’daalada loogu jiro in Soomaaliya heso amni buxa.  Farmaajo ayaaan wali qaadanin go’aan geesinimo leh oo uu isaga fogaynayo Fahad Yasin iyo kooxaha u ku shaqeeysto.

Fahad Yasin ayaa xiligii dalaalnimadiisii isasa soo xirtay.  Su’aashuse waxa ay tahay Maxamed Cabduillahi Faramaajoma waxa uu la dhimanayaa Fahad iyo Kheyre mise waa iska badbaadin doonaa? ………..