Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay dowladda Qatar ayaa taageereysa olole ay wadaan siyaasiyiin ka tirsan kooxda alictisaam oo lagu doonaayo in dalka lagu in qilaabo.
Xog ay heshay warbaahinta dadkeena ayaa tilmaameysa in dowladda Qatar lacag dhan 36 malyan oo doolarka mareekanka ah ay ku bixinayso qorshe lagu inqilaabaayo baarlamaanka Somalia.
xogtaan ayaa sheegeysa in qorshahaani ay iska kaashanaayaa madaxweynahay Somalia Maxamed Cabdulahi Farmaajo, ra’isalwasaare Xassan Cali Kheyre, Agaasimaha madaxtooyada Fahad yaasiin, gudoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha shacabka cabi wali Ibrahim mudey, in nin lagu magacaabo C/raxmaan dheere oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka.
Marka laga reebo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre sadaxda kale waxaa ay xubno ka yihin kooxda Alictisaam oo lagu tilmaamo inay tahay koox mayal adag.
Xogtaan oo ah mid gaar ah ayaa tilmaameysa in wajiga hore ee qorshaha inqlaabkaan uu yahay in meesha laga saaro gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Shekh Cusman Jawari oo ah siyaasi rugcadaa ah oo aan lagu shaqeysan Karin.
Sida xogta ay cadeeneyso wajiga labaad oo qorshaha inqilaabka ay lacagta ku bixineyso Qatar ayaa ah in mukhtaar roobow abuu mansuur lagu soo daro baarlamaanka Soamlia, iyadoo la baneenaayo kursi kamida kuraasta beelaha digil iyo mirifle, si uu abuumansuur u noqdo xubin katirsan baarlamaanka Soamlia, kadibna loogu sharaxo inuu nuqdo gumoomiyaha Golaha shacabka sii loo gu doorto xilkaas.
Qorshahaan oo ah mid aad u halis badan ayaa waxaa kasoo horjeestay beesha caalamka oo durbadiiba bilaawday talaabooyin ay ku fashilineyso burburinta Baarlamaanka, oo ah halkii dimuqraadiyadda Somaliya ay kasoo hana qaadi laheyd.
Qatar ayaa horay lacag badan ugu bixisay inqilaabyo ka dhacay dalalka Masar, Tunisia, libiya, waxaana lagu tilmaamaa nidaamka dooxa in uu yahay mid ka shaqeeya sharta xiriir dhowna la leh dowladaha mareekanka , israa’il iyo kooxaha argagaxisada.
Isha:- Dadkeena