Dowlada Qatar oo Malaayiin Doolar Ku Bixineeysa  Sidii Wasiirka Qorsheeysan Jamaal U Noqon Lahaa Madaxweynaha Puntland + Farmaajo iyo Fahad yaasiin oo!!

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo oo ku sugan dalka Qatar ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaayo Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta Jamaal Maxamed Xassan Iyo Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Kuwaasi oo Qorshe Siyaasadeed Hugsan.

Dowlada Qatar ayaa waxaa ay Dooneeysaa in ay La wareegto Awooda Maamul Goboleedka Puntland kaasi oo ay u aragto Muhiim,waxaana ay Hadda Hindistay Qorshe Meesha looga saari karo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali gaas iyo Musharaxiinta Ku Heeybta ah kaasi oo ah in lasoo Banaan-bixinaayo shaqsi Danaheeda uun fuliya islamarkaana kazoo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta Jamaal Maxamed Xassan oo Kasoo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag Una dhashay Beesha Warsangali oo saaxiib dhaw la ah Fahad yaasiin oo la Rumeeysan yahay in uu yahay Milkiilaha Dowlada ayaa lagu Qanciyay in Malaayiin doolar lasiiyo islamarkaana uu isku sharaxo Xilka madaxtinimo ee Maamulka Puntland lacagtaasi ayaa la filayaa in ay bixiso Dowlada Qatar.

Fahad yaasiin oo dagaal iyo Colaadin kula Jira Beesha Maxamuud Saleemaan oo inta badan qabata Xilka Madaxtinimo ee Maamulka Puntland ayaa hadda damacsan in uu Wareejiyo Ku Ekaanshiyaha Kaliya Majeerteen,ISlamarkaana uu ka dhigo sida Dowlada dhexe oo R/wasaare looga dhigay Nin minority ah oo kazoo jeeda Beel aan Xil Nuucaas ah heli jirin.

Qorshahaani ayaa waxaa uu halis ku noqon karaa maamulka puntland waxaana la filayaa in Maalmaha soo socda uu gaaro Deegaanadda Maamulka Puntland Wasiirka Qorsheeynta oo Wata Malaayiin doolar,taasi oo la doonaayo in lagu iibsado Ildheer-garadka Maamulka Puntland.

Lacagta ayaa Inteeda badan waxaa la geeyn Doonaa Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe si Dadka looga Mashquuliyo Rabitaan Iyo Boran-bagaando been ah islamarkaana loo xumeeyo Maamulka Hada Jira.

Fahad yaasiin oo Saameeyn Ku dhex-leh Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu hadda u Hanqal taagayaa Hanashada Madaxtooyadda Maamulka Puntland waxaana uu ugu Gol leeyahay Colaadinta Siyaasiinta Beesha Maxamuud Saleemaan,Ee Majeerteen.

Dadka Qaarkood ayaa qaba in Falkaani aan ka fiirsiga laheeyn uu sababi karo Dagaal Sokeeye oo ka dhasha Deegaanadda maamulka Puntland,waxaana Masuuliyadaasi qaadi doona Madaxweyne Farmaajo oo ogolaaday Arinkaani.

Beesha Maxamuud Saleemaan ayaa Xilka Madaxtinimo ee Maamulka Puntland Hanashadiisa Laheed Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay,waxaana hada Bilaabatay Colaadinta Iyo Baabi’inta Beeshaasi,waxaana ka dambeeyo oo Abaabulaayo Fahad yaasiin oo si gooni ah ula dirirsan

   

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!