Dowlada Qatar oo la Xaqiijiyay in ka Dambeeyso Abaabulka Mooshinka Gudoomiye Jawaari!!

Reading Time: < 1 minute

Waxaa la rumeeysan yahay in  Dowladda qatar ay xoogga-saareeyso  in ay burburiso dhamaan Heeykalka Dowladnimo iyo Jiritaanka Umadda Soomaaliyeed taasna waxaa cadeeyn u ah Falal Foolxun oo ay dhowr jeer si bareer u ugu kacday.

Muqtaar Maxamed Cali oo ah Falanqeeye Arimaha siyaadda ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo halka uu kasoo askulmay.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Qatar ay Xoogasaareeyso sidii Meesha looga Bixin lahaa Gudoomiayaha Golaha shacabka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari  islamarkaana loo keeni lahaa shaqsi Adeecsan islamarkaana aan ka Hor imaan Karin Arimaha Qalafsan ee ay soomaaliya Damacsan tahay in ay ka Fuliso

Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday Suuragalnimada in ay dhacdo sidaasi,waxaa uu sheegay in ayna Macquul aheeyn in Hamigaasi u suura-galo sababtoo ah waxaa uu Yiri”Shacabka waxaa ay ku rajo weeyn yihiin in Xildhibaanadda qaarkood ay ku jiriin kuwa damiir leh”

‘Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay marqaati cad ka yihiin duullaan aan geed loogu soo gamban in lagu qaadaayo Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari,iyagga ayaana laga rabaa in ay  muujiyaan Dareenkooda’‘ayuu mar kale Yiri Muqtaar Maxamed Cali

Xildhibaanadda Baarlamaanka ayaa waxaa hadda saaran Eed ah in ay ka Hiiliyeen Jawaari islamarkaana ay qaateen Amar uu bixiyay Xassan cali kheeyre kaasi oo ah in ay qaataan Malaayiin Doollar