Dowlada Qatar oo ka gaabsatay in ay beeniso codkii laga duubay

Reading Time: < 1 minute

Qoraal ay soo saartay wasaaradda Arimaha Dibabada ee dalka Qatar ayaa lagu sheegay in ay dowlada Qatar aqrisay qoraalka New York Times, waxaana lagu sheegay qoraalkaas in dowlada Qatar ka xuntahay sida uu u hadlay qofka ku hadlay magaca dowlada Qatar.

Dowlada Qatar ayaa tiri ninka lagu magacaabo Khalifa Kayed Al_Muhanadi oo ah lataliyaha u ah Amiirka Qatar uu yahay qof aan u shaqeeynin dowlada Qatar laakiin uu yahay ganacsade Qatari ah.

GaranacsadahaKhalifa Kayed Al_Muhanadi ayaa ah shaqsi la safra Amiirka  dalka Qatar isla markaana xiriir qaasa la leh Fahad Yaasin oo ah madaxada Sirdoonka dalka Soomaaliya.  Maadaama dowlada Qatar laga hayo cadeeymo xaqiijinayo in ay ay qayb ka ahayd qaraxayada ka dhaxa dalka Soomaaliya waxa kaliya oo ay oran karaan ayaa ah in ay iska fogeeyaan Khalifa Kayed Al_Muhanadi oo shaqsi saameyn xoog leh ku leh dalka Qatar iyo hogaankeeda.

Su’aasha u baahan in Qatar ka jaawaabto ayaa maxaa keenay in ninka ay hadda iska fogaysay in uu si gaar ah uula hadlo ama ula taliyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya? Dhanka kala Khalifa Kayed Al_Muhanadi ayaa dhankiisa qirtay in uu saaxiib hoose la yahay Madaxweyne Farmaajo? Madaxweyne Farmaajo ayaa looga fadhiyaa in uu sheego meesha uu ku bartay Khalifa iyo waxa kala dhaxeeya?.

Warar dheeraad ah oo ay MOL ayaa cadaynaya in ay jiraa codod sir ah oo laga duubaay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada  Qatar iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Fedaraalka. Lama oga waqtiga la sii dayn doono codadkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa fartiin cad loo dhex mariyay maqaalkii shalay ay qortay jariidada New York Times. Farmaajo ma leeyahay caqli iyo aragti uu uga badbaado balaayada ku soo socoto taas oo ah in uu ka taqaluso ama uu ceyriyo  Fahad Yasin iyo Xasan Kheyre?.