Dowlada Qadar oo xiriirro Qarsoon Mucaaradka  la Bilowday kadib Markii ay Diideen Qoorqoor.

Reading Time: 2 minutes

Iyadoo u muuqata Qatar inay soo fahmeyso inay soo dhammaanayaan maalmihii NN oo ay talo iyo Tacab ku beeshay ayaa waxaa hadda soo baxaya inay bilowday inay xodxodato bal ciddii ay is leedahay wax uun baad ka heli kartaa haddii isbadal degdeg ah ku yimaado Muqdisho iyo Galmudug.

Safiirka dowladda Qadar u fadhiya dalka Kenya ayaa bilaabay in uu xriiro la sameeyo qaar ka mid mucaaradka dowladda Soomaaliya, inkastoo aad mooddo inay xataa dowladda ku amartay inay uga dayato oo ay bilowday inay la xiriirto xubno mucaaridka ah sida aad ku aragteen MOL maalmihii dhowaa.

Xog ay heshay Miqdisho online ayaa sheegeysa bilihii la soo dhaafay in Safiirka dowlada Qadar u jooga Kenya uu la kulmay xubno mucaarad ah oo ay ka mid ah oo isugu jira kuwa u tartamaya Glamudug iyo kuwa kale. Qadariyiinta ayaa waxay u muuqdaan in ay dano badan ka leeyihiin Galmudug waayo safiirka waxaa  uu ballan qaad u sameeyay xubnaha qaar inuu la shaqeyn doono haddii ay soo baxaan oo ay xataa diyaar u yihiin inay ay gacan ka geystaan doorashadiisa haddii uu ballanqaadayo inuu la shaqeynayo haddii la doorto.

Xogta Galmudug iyo Nayrobi laga helayaa waxey muujinaysaa in ay Qatar ka biyadiiday mushaaraxa dowladda wadato ee Qoorqoor, ayna diyaar u tahay Qadar in ay kula daarato haddii qofkii fursad helo.

Xogta ayaa sheegeysa inay Qatar hadda u aragto inuu midowga xisbiyada uu yahay arrin aan la dhalaylsan Karin  saameyn weynna ku leh doorashada Gamdug iyo tan dalkaba ayaa waxay durbaba bilowday in haddii lakala jebin waayo madasha la qaato xisbiga u muuqda inuu guul soo hoyn karo maadaama waqti lagu soo mooday NN.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa is weydiinaya xariiradan Safiirka Qadar ee Kenya bilaabay iyo kan gacanyaraha sirdoonka Qadar ahna agaasimaha Nabadsugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin oo kaashanaya safiirka Qadar ee Muqdisho u ka bilaabay gudaha dalka waxa isku soo aadiyay.

Dowladda Qatar ayaa mar horaba si cad uga tagtay RW kheyre kadib markii ay aragtay isagoo ka dhex kalluumeysanaya Imaraadka oo koox uu u dirsaday laga war helay inay ka shaqeynayaan in Qatar bannaanka la dhigo Imaradkana uu soo dhaweysto Kheyre.

Falanqeeyayaashu waxay aaminsan in xiriirkani yahay mid ay Qadar uga danleedahay laba arrimood middood waa tan horee in Isbaheysiga Xisbiyada Soomaaliya ku kala furfurto oo kaas oo dhawaan looga dhawaaaqay Xamar uuna hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed .

Waa tan labaade in dawladda Qadar ay soo garowsaneyso, cabsina ka qabto in ay soo laaban waayaan madaxda haatan, taa beddelkeedana ay doonayaan in ay helaan garabyada mucaaradka, si aysan u noqon kuwa ku kala tiirsan dawladaha Qadar si mid waliba uga warqabto waxa uu rabo iyo waxa uu kan kale ka sheegayo.

Ugu dambeyn xogtu waxay leedahay inay Qatar xataa dalalka dibadda sida Imaraadka iyo Somaliyaba ug yeeratay xubno mucaarid ah oo ay si qarsoodi ula kulantay. MOL ayaa waxay ku dadaaleysaa inay soo hesho magacyada iyo shakhsiyaadka uu la kulmay safiirka Qatar si loo fahmo qaabka ay geediga u rari rabto Qatar.