Wararka Muqdisho.online ay heleyso aya shegaya in Dowlada Qadar oo ah Dowlad si toos ah ula fal gasha maamulka sare ee Madaxtooyada aya waxa ay Dowlada Qadar doneysaa haatan in ay magacaabato Shaqsiga laga dhigi laha Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Dowlada Qadar aya la heyd lacagtii loo isticmaalay Mooshinka Gudoomiyihi Iscasilay Maxamed Shiiq Cisman Jawaari.
Ilo ku dhaw Xafiiska Madaxweyne Farmaajo aya Muqdisho.online u shegay in Dowlada Qadar ay Madaxweyne Farmaajo ku amartay in ay doonayaan in lo magacaabo shaqsi ay wataan oo u doonayaan in loogaga dhigo Gudoomiyaha Golaha Shacabka,qarashaadka ku baxayana ay diyaar la yihiin.
Qadar oo Soomaaliya ka leh dano gaar ah aya waxa ay doonayaan in Golaha uu u fuliyo danahooda gaarka ah,si arinkaasi u suura galana lo baahan yahay in Gudoomiye fududeeya Howlaha ay kaga baahdan Baarlamanka,waana sababta Dowlada Qadar lacagta ugu bixisay si Jawaari mesha uu kaga baxo.
Muqdisho.online aya dhawaan idiin soo gudbin doonta Magaca Shaqsiga ay wadato Dowlada Qadar iyo xog ku saab san shaqsi ahaantiisa.
Kulamo kala duwan aya maanta ila caawa waxa ay ka soconayaan Madaxtooyada Soomaaliya iyado Kooxda Madaxtooyada Maamusha ay kala wataan shaqsiyaad buuq xoogana uu dhex dooda uu ka taagan yahay.