Xukuumadda Puntland ayaa maanta shirkadda isgaarsiinta SOMTEL ka joojisay qodaalka xarigga Fiber Optic-ga. Wareegto ka soo baxday wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa shirkadda SOMTEL looga joojiyay qodaalka Fiber-ka.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in shaqaalaha shirkadda SOMTEL qaarkood ay jareen xarriga Fiber-ka shirkadda Golis. Waxa uu sheegay in sababtaas darteed Somtel looga joojiyay in ay sameeyaan qodaalka Fiber-ka waxaana uu amray in baaris lagu sameeyo.


