Dowlada Puntland oo shaacisay in Puntland lagu soo geli karo kaliya fiisaha dal ku galka (Daawo)

Reading Time: < 1 minute
Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil

Xukuumadda Puntland ayaa ku soosartay amar ay ku shegayaan  in ayan marnaba  ogolaan doonin in cid dambe ay  fiiso la’aan ku soo gasho gudaha Puntland.

Talabadaan ayaa waxa ku dhawaaqay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil. Wasiirka oo oo la hadlay Taleefishinka  Dowladda Puntland (PLTV) ayaa shaaciyay in la qaban doono cid kasta oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

“Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso,cid kasta oo tahriib iyo sharci –darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga Puntland.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli degaannada Puntland ay ku soo badanayan tahriibayaasha ka imaanaya koonfurta Soomaaliya iyo gudaha dalka Ethiopia kuwaasi oo qaarkood u sii gudbaan dhinaca dalalka Carabta.

Halkan hoose ka daawo hadalka wasiirka