Dowlada Puntland ayaa meel fagaare ah ku burburiyey dhalooyin badan oo ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada booliska ay ku guulyesteen in ay soo qabtaan.
Ciidamada ammaanka oo Howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada iyo baraha Kantaroolada ayaa khamrigan gacanta ku dhigay sida sharaakisha ay shegeen , xili la qorsheenayey in si qarsoodi ah loo geliyo Magaaladaaas.
qamrigaan ayaa waxa uu ka soo galaa dalka Itoobiya isaga oo Loo sii gudbiyo magaalooyin ka tirsan Soomaaliya iyo Somaliland.
Taliyaha booliska gobolka sanaag Cabdikariin maxamed Cabdulle xanaf ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabtay falkaan sharcigana la hor keeni doono.
Gudoomiyaha maxkamadda aramada koobaad ee gobolka sanaag Maxamuud Faarax Xarigle ayaa sheegay in xukun lagu riday ragii watay qamriga gacantana ay ku hayaan garigii qamrigaan lagu waday.
Goobta lagu burburiyey qamrigaan waxaa goobjoog ka ahaa Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda, Xeer ilaalinta ,taliyaha booliska gobolkaaas iyo Saraakiil Ciidan oo kale kuwaas oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta halkaas ku sugneyd.