Dowlada Puntland oo ku amartay hay’adaha dowladda in ay si buuxda u dhaqan-geliyaan adeegsiga Af-Soomaaliga

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, in si buuxda loo dhaqan-geliyo adeegsiga Af-Soomaaliga. Wareegto ka soo baxday madaxweyne Deni, ayuu ku amray hay’adaha dowladda Puntland in ay ku dhaqmaan adeegsiga AF-soomaaliga, islamarkaana loo isticmaalo qoraallada xafiisyada iyo wax kasta oo loo gudbinayo dadweynaha.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sheegay in ay waajib tahay dhaqan-gelinta Sharciga Ilaalinta Af-Soomaaliga, sidaas darteedna loo isticmaalo dhammaan qoraallada iyo boorarka hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!