Wararka aanu maanta ka helayno Garowe ayaa sheegaya in ciidankii iyo hubkii ugu badnaa ay dowlada Puntland u dirtay deegaanada hoos yimaada SSC. Dowlada Puntland oo maalmihii u danbeeysay ciidan iyo saanad si qarsoodi ah ugu diraysay Beesha Dhulbahante ayaa waxa ay hada u muuqataa inay dardar galisay si toos ahna ugu biirtay dagaalka ay ku taageereyso beesha Dhulbante.
Waxa ay u muuqataa in Puntland ay doonayso inay ka faa’iideysato fursada uu abuuray dagaalka Laascaanod oo ay marqura la soo afjaro joogitaanka Somaliland d ee Sool iyo Sanaag.
Warar aan helnay ayaa sheegaya xalay ay ka baxeen Puntland in ka badan 160 gaadiidka dagaalka ah oo ka baxay dhinaca Garoowe in saaka u ruqaansadeen jiidda Gobolka Sool.
Dhinaca kale ciidamo fara badan oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda ka soo baxaan dhinaca Gobolka Mudug. Ciidamadan ayaa la sheegay iney abaabushay Puntland islamarkaana ujeedada ay ku taageereyso shacabka Laascaanood.
Xaaladda Gobolka Sool ayaa isu rogtay dagaal buuxa oo furimaha horleh saamayn doonta kadib markii Somaliland ay burisay xabad joojintii lawada galay.